Home Wararka Maanta Soojeedin: Dowlada oo Sharuud ku Xirtay in Caruurta dib loogu Celiyo waalidkooda

Soojeedin: Dowlada oo Sharuud ku Xirtay in Caruurta dib loogu Celiyo waalidkooda

0
Foto: Janerik Henriksson / TT

Baaraha Dowlada Charlotte Lunheim ayaa maanta soo bandhigtay soo jeedinteeda si wax looga badelo sharciga la xiriira Caruurta iyada oo ujeedkeedu yahay in la helo badbaado badan oo caruurta ah ka dib marka ay dhamaadaan xaaladooda daryeel ee qasabka ah marka waalidkood si xun ula dhaqmaan.

Baaraha ayaa soo jeediyay in caruurta aan loo celin waalidkood ilaa ay ka hubsato in gebi ahaanba ay isbadaleen duruufihii keenay in si xun loola dhaqmo caruurta.

Baaritaanka waxaa looga dan lahaa in laga fogaado dhacdooyinka kiisaska cusub ee naxdinta leh, sida midkii ku dhammaaday dhimashadii gabadha yar ee Esmeralda oo saddex sano jir ahayd oo ku dhimatay Norrköping ka dib markii ay dib ugu laabatay waalidkeed.

Bishii Abriil ee sanadkii hore dowladda ayaa u xilsaartay Lunheim inuu diyaariyo soo jeedinno ku saabsan sharciga “litet hjärta”.

“Waxaan rabnaa inaan ku shaqeyno mabaadii’da danta ugu wanaagsan ee ilmaha,” ayay tiri wasiirka arrimaha bulshada Lena Hallingreen waqtigaas. Waxay ku saabsan tahay adkeynta sharciyada iyo qawaaniinta xukuma shaqada adeegyada bulshada iyo maxkamadaha. ”

Raadin dheer kadib, Lunheim wuxuu tixgaliyay in aysan banaaneyn in lasoo afjaro daryeelka qasabka ah (taas oo ah, in ubadka loo celiyo waalidkiis) ilaa ay duruufaha u horseeday in si xun loola dhaqmo ay iska badalaan qaab joogto ah oo dhameystiran Sida ku cad waxa lagu shaaciyey shir jaraa’id maanta.

Talooyinka ayaa sidoo kale ka mid ahaa tixgelinta arrinta ku saabsan wareejinta haynta ilmaha ee qoyska ku-meel-gaadhka ah ka dib markii uu sii joogay laba sano oo isku xigta, halkii laga isticmaali lahaa saddex sano oo hadda la dhaqan-gelinayo. Taasi waa, haddii ilmuhu la sii joogo qoyska laba sano oo isku xigta, markaa Guddiga Daryeelka Bulshada ayaa xaq u leh inay tixgeliyaan ka wareejinta masuuliyadiisa qoyskiisa dhabta ah ee qoyska kale, haddii ay dhacdo in daryeelku khasab ku dhammaado, tusaale ahaan ilmuhu waa dib loogu celiyo waalidkiis, markaa guddiyada bulshada waxaa waajib ku ah inay dabagal ku sameeyaan kiiskiisa muddo lix bilood ah waxayna xaq u leeyihiin inay la xiriiraan dhammaan wixii aad u baahan tahay, sida inaad la tashato khabiir ama la hadasho ilmaha adigoon waalidku oggolaan.

Guddiyada bulshada sidoo kale waxay xaq u leeyihiin, sida ku xusan soo jeedinta, inay ka codsadaan waalidiinta baaritaanka daroogada ka hor intaan la gaarin go’aanka ah in cunugga loogu soo celiyo iyaga

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here