Home Wararka Maanta Södertälje 3 Qof oo Maxkamad loo soo taagay Khiyaanada Imtixaanka Gaariga

Södertälje 3 Qof oo Maxkamad loo soo taagay Khiyaanada Imtixaanka Gaariga

0

Saddex qof oo laba rag ah iyo haweeney ayaa lagu maxkamadeynayaa magaalada Södertälje iyagoo lagu eedeeyay inay khiyaameeyeen imtixaankii aragti ahaaneed ee laysanka wadista sanadkii hore. Sida laga soo xigtay TT oo uu soo xigtay wargayska maxaliga ah ee Södertälje. Saddexda, sida ku cad eedeymaha, waxay isticmaaleen qalab muuqda iyo kaamirooyin lagu tolay dharka.

Shaqaalaha hay’adda taraafikada ayaa shaki galiyay markay arkeen shay ka muuqada dhabarka mid ka mid ah kaqeybgalayaasha, waxayna ogaadeen sida howsha qishka loo sameeyo.

Tijaabad kale, shaqaaluhu waxay stethoscope ka heleen dhagta haweeneyda. Laba bilood ka dib, nin kale ayaa lagu qabtay aaladda isgaarsiinta iyo siligyo ku xiran caloosha shaarka hoostiisa.

Eedaysanayaashu way diidaan wax dambi ah in ay sameeyeen iyadoo maxkamada ay socoto hada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here