Home News in English Sirdoonka Ukraine oo soo bandhigay Qorshaha Ruushka ee Ukraine la doonayo

Sirdoonka Ukraine oo soo bandhigay Qorshaha Ruushka ee Ukraine la doonayo

0
Photo/Leonid Scheglov/BelTA/Handout via REUTERS

Ruushka ayaa hadda wada qorshe uu labo u kala qeybinayo Ukraine, sida uu sheegay madaxa sirdoonka milatariga Ukraine.

War qoraal ah oo uu soo saaray Kyrylo Budanov ayaa tilmaamay in Ruushku aanu ku guulaysan in uu qabsado dhammaan Ukraine. Waxa uu aaminsan yahay in ciidamada Ruushku ay u beddeleen istaraatiijiyad cusub oo ujeedadu tahay in la kala gooyo dalka iyo in la sameeyo gobol weyn oo Ruushku xukumo.

“Tani waa isku day lagu doonayo in sida Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya laga abuuro Ukraine,” Budanov ayaa ku yiri hadal uu soo saaray, sida uu sheegay The Guardian.

Waxa uu ka digay in Ukraine ay si degdeg ah u qaadi doonto dagaal jabhadeed oo ku wajahan dhulka uu Ruushku haysto.

Fallaagada uu Ruushka taageero ayaa tan iyo sannadkii 2014-kii maamulayay deegaanno ku yaalla bariga Ukraine.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here