Home News in English Sirdoonka Britain oo war kasoo saaray Dagaalka Ruushka uu ku qaaday bariga...

Sirdoonka Britain oo war kasoo saaray Dagaalka Ruushka uu ku qaaday bariga Ukraine

0

Sirdoonka Britain ayaa rumeysan in Ruushku uu sameyn doono dadaal kasta oo uu ku doonayo inuu ku qabsado bariga Ukraine marka la gaaro 9-ka May oo ku beegan maalintii Midowgii Soofiyeeti uu ka adkaaday Naasigii Jarmalka.

Ciidamada Ruushka ee ku sugan aagga Donbas ayaa hadda ku sii siqaya dhanka Kramatorsk, oo si joogta ah loogu weeraro gantaallo, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee sirdoonka Britain .

Ciidamada ayaa helay taageero dhanka cirka ah, waxaana ka mid ah hadafyada la doonayo in lagu burburiyo awooda ciidamada cirka ee Ukraine si ay uga hortagaan arrintan, sii sheegay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here