Shirkadaha Lots-ka oo lagu dhaganyahay

7

Eedeymaha ka dhanka ah shirkada loo yaqaan “Etableringslots” ee dadka cusub ka caawiya sidii ay wadanka ula qabsan lahaayeen ayaa aad u soo kordhaya. Dacwadaha ay dadku ka gudbiyeen shirkadaha nuucaan ah ayaa aad u korortay sanadkii tagay iyadoo 306 dacwadood laga gudbiyay shirkadaha.

Eedeymaha loo soo jeediyay shirkadaha Lots-ka ayaa waxaa ka mid ah in aysan si fiican u caawin dadka, iyaga oo lacagta iska qaata dadkana aan la kulmin. Waxaa kale oo ka mid ah musuqmaasuq iwm. Xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay wax ka qaban doonaan shirkadaha aan daacada ahayn isla markaana laga yaabo in ay wax ka badalaan lacagta la siiyo.

Isbedalada macquulka ah ayaa waxaa ka mid ah in wax laga badalo lacagta 1-aad ee la siiyo shirkadaha marka qofku soo doorto ama ku soo wareego. Arbetsförmedlingen ayaa sheegay in lacagtaas ay abuurtay tartan kulul iyo kala wareegsi dadka oo aad u soo batay. Arintaas ayaa dowlada lacag badan ka qasaarisay.

Agaasimaha guud ee Arbetsförmedlingen ninka lagu magacaabo  Mikael Sjöberg ayaa balan qaaday in ay dib u eegayaan guud ahaan sida barnaamijka Lots-ka uu u shaqeeyo iyo sidii ay wax uga badali lahaayeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here