Sharuudo Cusub ayaa lagu Xiridoonaa Dhalashada Sweden sida ay go’aansatay Dowlada Sweden waxana Sharuudaha loo Xilsaaray Baarayaal.
Labo Sharuud ayaa ugu weyn kuwaasi kala ah Dhaqaale lagu Xirayo Qofka doonaya Dhalashada iyo in Qof uu barto Luuqada Swedish-ka.
– Kuwani waa shuruudo macquul ah oo gacan ka geysta is-dhexgalka wanaagsan oo ay tahay inaan hadda ku xirno dhalashada Iswiidhan, ayay tiri wasiirka socdaalka Maria Malmer Stenergard (M).
Maalintii Khamiista ayay dawladdu go’aansatay awaamiir cusub oo ku saabsan baaritaanka sida loo adkeynayo shuruudaha dhalashada Iswiidhan – lana xoojiyo.
Wasiirka socdaalka Maria Malmer Stenergard (M) ayaa Sheegtay
– Dhalashada Iswidhishka waxay calaamad u tahay xubinnimada bulshada Iswiidhan, waxayna leedahay qiimo aad u weyn, sharci ahaan iyo astaan ahaanba.