Home Wararka Caalamka Sharuudaha Qaadashada Dhalashada Sweden oo la Adkeynayo Sida Dowlada Ku Dhawaaqday

Sharuudaha Qaadashada Dhalashada Sweden oo la Adkeynayo Sida Dowlada Ku Dhawaaqday

0
Foto: Henrik Montgomery/TT

Ku dhawaaqista bilawga baadhitaan cusub oo ku saabsan shuruudaha jinsiyadda ayaa lagu sheegay shir jaraa’id oo uu wasiirku la qaatay hogaamiyaha xisbiga SD ahna xubin ka tirsan baarlamaanka Linda Lindberry, sida uu sheegay Aftonbladet.

“Muwaadiniinta Iswidishka waa shay ay tahay in qofku uu ku dadaalo sidii uu u heli lahaa,” ayuu yiri wasiirku.

Waxa ay ka warantay waxa diirada lagu saarayo soo jeedinta soo socota ee dowlada ee ku aadan shuruudaha luuqada iyo aqoonta bulshada Sweden si ay u helaan dhalashada, taasoo la filayay.

Xisbiyada garabka midig ayaa doonaya in dhalinyarada dambiilayaasha ah ee da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 18 sano laga reebo qaadashada dhalashada Sweden.

Arintaan ayaa timid kadib markii nin dhalinyaro ah oo lagu helay dambi ah inuu geystay fal dil ah oo asalkiisu ka soo jeedo Armenia uu helay dhalashada Sweden. Warkan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha dalka Sweden, kadib markii uu ninkan xabsiga ka baxsaday, ka hor inta aan mar kale la xirin.

Lindberry ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in xisbigeedu uu doonayo in uu soo rogo suurtagalnimada in lagala noqdo jinsiyadda xaaladaha qaarkood.

“Tusaale ahaan, haddii aad ku qaadato dhalashadaada sababo khaldan oo aad ka been sheegto codsigaga, ama haddii aad u taagan tahay khatar ku wajahan Sweden,” ayay tiri.

Soo jeedinta SD ee ah ka noqoshada jinsiyadda ayaa u baahan in wax laga beddelo sharciga aasaasiga ah ee Iswiidhen, iyadoo la raacayo hab adag oo u baahan sannado in la fuliyo.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka, xisbiyada garabka midig ayaa ku talo jira in xagaagan ay furaan baaritaan cusub oo ku saabsan shuruudaha cusub ee dhalashada.

Fikradaha la soo bandhigay waxaa ka mid ah in uu qofku sideed sano oo xiriir ah degenaa Iswiidhan, in la adkeeyo shuruudaha masruufka, ka fogaanshiyaha ku xad-gudbida sharciyada iyo dembiyada, iyo in uu ku dhawaaqo in uu daacad u yahay Iswiidhan xafladaha dhalashada marka la qabanayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here