Home News in English Sharciyo lagu adkenayo Qaxootiga gaara France oo la ansixiyay..

Sharciyo lagu adkenayo Qaxootiga gaara France oo la ansixiyay..

0

Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya xeerarka lagu hago dadka soo galootiga ah.

Sharcigan ayaa soo gaabinaya wakhtiga kama dambaysta ah ee la qabto codsiyada dadka magangalyo doonka ah, wuxuuna labo jibaarayaa wakhtiga xabsiyada lagu haynkaro dadka sida sharci darrada ah ku gala Faransiiska.

Shuruucdan cusub waxaa sidoo kale ka mid ah hal sano oo xabsiga la dhigi doono dadka sida sharci darrada ah ku gala Faransiiska.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in soo koobidda wakhtiga cosdiyada dadka magangalyo doonka ah ay saamayn xun ku yeelan doonto “dadka ugu nugul ee magangalyo doonka ah, kuwaas oo ah kuwa ay u badan tahay in ay dabo maraan wakhtiga kama dambaysta ah”. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Bénédicte Jeannerod oo ah masuulka hay’adda u qaabilsan Faransiiska.

Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa sharcigan ka doodi doona bisha June.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here