Home Wararka Caalamka Sharciga Cusub ee Qaxootiga ku laabanaya Dalalkooda iyo Dadka uu Quseeyo

Sharciga Cusub ee Qaxootiga ku laabanaya Dalalkooda iyo Dadka uu Quseeyo

0

Todobaadkan Dowlada Sweden ayaa shaacisay inay kordhisay Lacagta la siinayo Dadka ku laabanaya Dalalkooda ee si iskood ah u codsanaya iyadoo dadkaasi la siinayo lacag gaareysa 350,000 kr.

Lacagtan oo markii hore aheyd 1,000 kr oo kaliya ayaa loo kordhiyay sabab ay kamid tahay in dad badan lagu dhiiragaliyo inay ku laabtaan dalalkii ay asal ahaanta kasoo jeedeen.

Qorshahan oo ay iska kaashanayaan Xisbiyada Garabkaa Midig oo taageero ka helaya Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa loogu tala galay inuu dhaqan galo sanadkan 2026 bilowgiisa.

Dadka uu Quseeyo.

Sharcigan ayaa ah mid uu quseeyo Dhamaan Qaxootiga ku nool Wadanka Sweden xitaa kuwa Sharciga Heysta si qaxooti badan ay dalka uga baxaan waxana qof walbo oo codsado uu helidoonaa lacagtaasi marka uu dhameesto codsigiisa laabshada.

Dadka sharci la’anta ku ah wadanka Sweden ayaa kamid ah dadka helaya lacagtaasi inkastoo lasoo bandhigin qaabka loo helayo lacagahaasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here