Home News in English Sharciga Cusub ee Keenista Qoysaska Maku jiraan Dadkii hore ee Qoysaska ka...

Sharciga Cusub ee Keenista Qoysaska Maku jiraan Dadkii hore ee Qoysaska ka maqnaa

0

Barlamaanka Dalka Sweden ayaa shalay oo Talaado aheyd u fadhiistay Sharciyo Badan kuwaasi oo Dowlada hordhigtay Barlamaanka si loo ansixiyo.

Sharciyada Shalay la horgeeyay Barlamaanka waxaa ku jiray in Dadka Qaxootiga ee heesta Sharciyada ku meel gaarka ah loo keeni karo Qoysaskooda.

Dad badan oo ku xiran Somaliska ayaa boga soo weydiiyay Su’al ah in dadkaasi loo keenayo qoysaska ay ku jiraan Dadkii hore ee Qoysaskooda ka maqnaa.

Jawaabta.

Ma jirto Dad hore oo loo diiday in loo keeno Qoysaskooda gaar ahaan dadka heesta Sharciyada Deganaanshaha rasmiga lakin waxaa jirta sababa kale oo laanta socdaalka ku heesato dadkaasi sida buuxinta sharuudaha looga baahanyahay.

Sida dowlada ay ansixisay sanadkii 2015 Dadka helay sharciyada ku meel gaarka ah Waxaa loo diiday in ay qoysaskooda keenaan madama ay heestaan sharciyo ku meel gaar ah.

Lakin barlamaanka Sweden ayaa ansixiyay Sharci dhigaya in Qofkaasi loo keeni karo hada Qoyskiisa hadii uu heesto Sharciga ku meel gaarka ah lakin Laanta socdaalka ayaa dadkaasi ku qiimeeneysa wadanka ay kasoo jeedaan iyo dagaalada ka socda.

ugu danbeyn Sharciga ayaa quseeya Dadka heesta Sharciga ku meel gaarka ah oo kaliya.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here