Home News in English Maxkamada Sare ee Sweden oo go’an ka gartay hooyo Somaliyed oo guday...

Maxkamada Sare ee Sweden oo go’an ka gartay hooyo Somaliyed oo guday Afar Caruur ay dhashay

0

Inkasta oo lagu eedeeyey iney gudniin ku sameeysay dalka Yeman saddex hablood oo ey dhashay ayay maxkamadda sare ee socdaalku u xukuntay in haweenay soomaaliyeed oo magangelyo dalka ka dalbatay la siiyo sharciga deggenaansha ee qaxootiga.

– Su’aasha aannu go’aanka ka gaarney waxay la xiriirtay in dembiga lagu soo eedeeyey uu ka hor istaagayay in la siiyo deggenaansho qaxootinimo dhab ah, sida uu sheegay Erik Hjulström, oo ka mid ah saddexdii garyaqaan ee go’aanka maxkamadda sare soo gaaray.

Sida uu qorayo xeerka socdaalka ee Sweden u degsan ayaan u ogolaaneyn in la siiyo sharciga deggenaansho ee qaxootinimada dhabta ah haddii uu qofka magangelyada codsanaya uu horay waddan dibadda ugu soo galay dembi culus oo aan siyaasad la xiriirin, isla markaana uu gudniinka habluhu buuxineyo shuruudahaa, hase yeeshee ay maxkamaddu go’aansatay inay ka hor timaado go’aannadii wakaaladda socdaalka iyo maxkamadda socdaalka ee haweenayda siiyay oo keliya xeer deggenaansho ee aan ahayn midkii qaxootiga, halka duqeeda iyo ilmaheedana la siiyey sharciga deggenaansho ee qaxootinimada. Iyadoona ay maxkamaddu go’aankeeda ku qeexday sidan:

– Falkan ayaa sidiisaba dembi ka ah Sweden in la galo, hase yeeshee aan maxkamad loo soo taagin karin maadaama uu dhacay intii aan Sweden la iman ama wax xiriir ah lala yeelan, sida ku qoran diyaarintii xeerka, waana mid ey noola muuqato inuu yahay fikir muggiisa leh, sida uu sheegay Erik Hjulström.

Maadaama ay maxkamadda sare ee socdaalku tahay hayadda ugu sarreeysa ee arrimmaha socdaalka, ayuu go’aankeedani noqon doonaa mid dhabba tus ah. Waana mid saameeyn ku yeelan doonta qiimeeynta dembiyada culus ee aan siyaasadda la xiriirin ee dalka dibaddiisa lagu soo galo intii aan dalka la iman, sida uu sheegay Erik Hjulström.

Bishii sebteemabar ee sannadkii 2015 ayay ahayd kolkii ay haweenayda, ninkeeda iyo caruurtedu ey Sweden ka dalbadeen magangelyo. Iyadoona ay wakaaladda socdaalku ay bishii maarso 2018 go’aan ku gaartay in qoyska intiisa kale la siiyo magangelyo qaxootinimo, hase yeeshee laga reebay maadama la yiri inay gacan ku lahayd gudiinka saddex hablood oo ilmaheeda ka mid ah intii aaney Sweden iman. Inkastoo ay haweenaydu ku dooday iney go’aanka gudniinka hablaha ey lahaayeen ayeeyooyinkood hooyo iyo aabbe.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here