Home News in English Sharciga ayuu ku helay Saddex Bil isagoo Lix Sano Shari la’an ahaa....

Sharciga ayuu ku helay Saddex Bil isagoo Lix Sano Shari la’an ahaa. (Dhacdo Cajiib ah)

0

kadib Qul Qulkii Qaxootiga ee sanadkii 2015 waxa uu saameyn xoogan ku yeeshay dad badan oo xiligaasi fursad u helay inay si fudud ku soo gaaraan Yurub gaar ahaan wadamada dhaqaalo ahaan sareeya.

Dadka xiligaasi soo gaaray Yurub waxaa kamid ah Wiil dhaliyaro ah oo Somaliska ka codsaday in aan la baahin Magaciisa sababo uu isaga naga codsaday lakin aan u isticmaali karno Magacgarasho oo ah Iidle.

2015 bishii Agoosta ayuu soo gaaray Sweden lakin waxa uu go’an ku qaatay inuu u gudbo dhanka Dalka Finland oo markaasi sharci bixin jiray lakin isdhiibid kadib waxaa ku dhacay mid kamid ah waqtigiisa ugu adkaa kadib markii dhoor diidmo la siiyay.

iidle ayaa markaasi go’an ku gaarya bal inuu sugo rajada wadanka madama doorasho loo dhawaa lakin Dowlada Cusub ayaa halkeeda kasii waday go’aanadii hore taasi oo keentay in lix sano kadib go’an ku qaatay inuu isaga baxo.

Waxa uu iska dhiibay mar kale dalka Irland waxana dacwad kadib sharciga lagu siiyay mudo saddex bilood gudahood.

iidle ayaa hada shaqeeya waxana uu bilaabay inuu wadanka la qabsado si fudud madama dalkaasi looga hadlo luuqada Englisha.

Waxa uu sheegay in uu mararka qaar ka qoomameeyo waqtigii ka lumay oo xitaa ay ku adkaatay booqashada hooyadiis oo dalka ku nool lakin waxa uu intaa ku daray inuu wax walbo ku hilmaamay nolosha cusub ee u bilaabatay.

Dad badan ayaa markii ay heleen diimo qaatay go’an geesinimo leh iyagoo iska dhiibay dalal kale sida Faransiiska iyo Taliyaaniga halkaasi oo sharciga lagu siiyay isla markana nolo qurux badan ka bilaabeen.

Dad kale oo iyaguna heesta diidmo ayaa iska sii joogay dalalka ay ka heesteen diidmada taasi oo keentay in waqti qiimo leh ka lumo sida iidle oo kale.

ma jiraa qof sidan oo kale qabsatay ama hada ay heysato Fadlan Qeybta Facebook fakarkaaga nagula wadaag

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here