Home Wararka Denmark Sharci Cusub oo maanta ka bilowday Wadanka Denmark oo Haweenka Muslinka Quseeya..

Sharci Cusub oo maanta ka bilowday Wadanka Denmark oo Haweenka Muslinka Quseeya..

0

Warbaahinta dalka  Denmark waxa ay maanta ku dhawaaqday in ay bilaabatay dhaqan galinta mamnuucitaan lagu soo rogay in bulshada dhexdeeda lagu xirto indho shareer.

Baarlamaanka Denmark ayaa bishii May ee sannadkaan Tallaabadaasi  meel mariyay.

Galinka dambe ee maanta ayaa la qorshaynayaa in uu dhaco mudaaharaad lagu diidan yahay arrintaas oo ay ka qayb qaadanayaan dumar Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslimiin ahayn, iyaga oo ka dhago adaygaya sharcigan cusub.

Hay’addaha Ammaanka waxa ay  xaq u leeyihiin in ay dul dhigaan ganaax 160 doolaar ah marka koowaad ee Sharcigaasi la jabiyo.

Booliiska ayaa awood u leh in ay dumarka niqaabka qaba ka dalbadaan in ay ka tagaan goobaha ay bulshadu wadaagaan.

Haddii uu ruuxu afar jeer sharcigaas jabiyana waxaa lagu ganaaxi karaa 1500 oo doolar.

Faransiiska iyo dalal kale oo Yurub ku yaalla ayaa horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah in bulshada lagu dhex xirto niqaab.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here