Home News in English Sharci Cusub oo Adkeenaya isticmaalka Hubka ee gudaha Dalka Sweden oo la...

Sharci Cusub oo Adkeenaya isticmaalka Hubka ee gudaha Dalka Sweden oo la filayo

0

Waxaa soconaya qorshe cusub oo ku aaddan in xeer cusub laga soo saaro adeegsiga sharci darrada ah ee qoryo gacmeedyada iyo qaraxyada, waxaana tillaabooyinka ka mid ah isha ku hayn dheeraad ah oo laga hirgelinayo gudaha Sweden iyo waxyaabaha kasoo gudbaya xuduudaha dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Sweden, Mikael Damberg ayaa soo jeediyay in xukunno ciqaabeed adag lagu soo rogo dembiyada abaabulan ee hubka lagu gaysto, waana qorshe ay haatan gacanta ku hayaan dembi baarayaal gaar ah oo ka tirsan dowladda, si loo xakameeyo gacan ka hadalka hubka loo adeegsado.

– Ma aha hindise dhaqan gelaya, balse waa tillaabooyin dhowr ah oo sal ballaaran oo dambiilayaasha ku adkaynaya inay hub isticmaalaan ama haystaan, ayuu yiri Mikael Damberg (S).

Tirakoob ahaan, sanadkii tegey oo qura waxaa Sweden ka dhacay 306 toogasho iyo ilaa 162 shil oo la xiriira qaraxyo halis ah, sida ay war saxaafadeedkeeda ku sheegtay Wasaarad Arimaha Gudaha Sweden.

Si haddaba arrimahan noocan ah loo xakameeyo wuxuu dembi baare Kazimir Ã…berg oo ka mid ah dadka hindisahan soo bandhigay uu soo jeedinayaa in ciqaabta ugu badan lagu soo rogo, iyadoo la kordhinayo muddada xabsiga dembiyadan oo haatan 6 sano ah balse la gaarsiinayo ilaa 7 sanadood, marka uu qofka ku cadaado dembiga la xiriira ku xad-gudubka xeerarka u degsan rukhsadaha la xiriira haysiga hubka iyo maaddooyinka qarxa.

Haddaba dadka dembiyada noocan ah ku lugta lihi miyay kala jecel yihiin dhererka muddada ay xirnaanayaan? Wasiir Damberg ayaa eegaya.

– Booliisku waxay aaminsan yihiin inay muhim tahay in dadka ku kacaya dembiyadan qarada wayn laga waayo jidadka iyo degaanada dembiyada lagu galo, waxaana aragnay in marka muddo dheer la xiro qaar ka mid ah ragga sare, waxay saamaynaysaa kuwa yar yar taasoo hoos u dhigaysa soo jiidashada howlaha noocan ah, ayuu daba dhigay Wasiirka Damberg.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here