Home Wararka Caalamka Sharci Cusub:- Dowlada Sweden oo Fureysa Xaruumo lagu Hayo Qaxootiga iska dhiiba...

Sharci Cusub:- Dowlada Sweden oo Fureysa Xaruumo lagu Hayo Qaxootiga iska dhiiba Dalka

0
Photo: TT

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday Sharci Cusub oo lagu adkeenayo Qaxootiga iska dhiibaya Dalka ee doonaya inay helaan Sharciga dalka.

Sharciga Cusub ayaa dhigaya in Qofka iska dhiibo Dalka lagu xareeyo Xaruumo Qaxootiga loogu tala galay si uusan dalka uga bixin ama uusan dhuuman sida ay sheegtay Maria Malmer Stenergard.

Qofka ayaa Xurnimo heesta isagoo tagi kara meesha uu doono mudada uu ku jiro halkaasi iyadoo Xaruunta lagu sheegay in furan.

Qaxootiga iska dhiibo dalka ee diida inuu joogo xaruuntaasi si toos ah ayaa loogu diididoonaa sharciga Sweden.

Dowlada ayaa sheegtay in Sababta ugu weyn ee Xaruuntan loo furayo ay tahay madama dad badan oo Dalka iska dhiiba ay si dhuumaaleysi ah ku joogan dalka.

Xisbiyada Dowlada ayaa horay u soo saaray sharciga lagu adkeenayo Qaxootiga ku sugan dalka iyo kuwa doonaya inay iska dhiibaan dalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here