Home Wararka Maanta Shan Qof oo ku dhaawacantay Rasaas leesku dhaafsaday Helsingborg

Shan Qof oo ku dhaawacantay Rasaas leesku dhaafsaday Helsingborg

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Booliska Helsinborg ayaa sheegay inay heleen digniino dhowr ah oo ku saabsan rabshado iyo toogasho ka dhacda Västra Sandgatan, xaafada Söder, halkaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan shan qof .

Sida laga soo xigtay bilayska, khilaaf ayaa ka dhex dhacay koox dad ah, kaas oo sameeyay ficillo rabshado wata iyo toogasho, maaddaama laba qof laga helay goobta, iyadoo saddex qof oo kale oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka.

Afhayeen u hadashay booliska Evelina Olson, ayaa sheegtay inay jiraan dad ku dhaawacmay toogashada, intaa waxaa sii dheer, laba baabuur ayaa isku dhacay meel u dhow goobta uu shilku ka dhacay.

Booliska ayaa xiray goobta uu shilka ka dhacay, iyo sidoo kale agagaarka Isbitaalka Helsinbory, halkaasoo lagu daweynayo dadka dhaawaca ah.

Xilliga aan warkan qorayo, ma jiro wax macluumaad ah oo ku saabsan heerka uu gaarsiisan yahay heerka dhaawaca qofka dhaawacmay ama sababta keentay muran

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here