Home Wararka Caalamka Shan Gabdhood oo Somali ah oo Gaari la Jiirsiiyay Xili ay ku...

Shan Gabdhood oo Somali ah oo Gaari la Jiirsiiyay Xili ay ku jireen Farxadooda Qalan-jabinta

0
Foto: Jae C. Hong / AP / NTB

Dhacdo aad uga argagaxeen Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa ka dhacday gobolka Minnesota , kaddib markii nin burcad ah oo ka baxsanayay booliiska uu gaari jiirsiiyay shan gabdhood oo Soomaali ah.

Sida aan wararka ku helnay gabdhahan Soomaaliyeed oo ku jiray farxada qalin-jebintooda ayaa kasoo baxay goob mall ah oo ay nasiino iyo farxad ku qaadanayeen, waxaana mar qura gabdhahaasi jiiray gaari uu soo xaday nin burcad ah oo booliiska eryanayeen.

Shanta gabdhood ee gaariga la jiirsiiyay ayaa la sheegay in saddex kamid ah walaalo ahaayeen, waxaana dhacdadan aad uga naxaya uguna murogooday eheladooda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee maqlay shilkan naxtinta leh.

“Gabdhuhu adeeg ayay ka yimaadeen marka shilbaa ku dhacay nin tuug ah oo gaari soo xaday ayaa waxaa weeye gabdhaha kormaray shantaba way dhinteen ilaahey ha u naxariisto saddex waa isku famil” ayuu yiri mid kamid ah culimada Soomaalida oo tagay goobta uu shilku ka dhacay.

Booliiska gobolka Minnesota ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan shilkan lagu dilay gabdhaha Soomaaliyeed, waxaana shilkan uu noqonaya mid kamid ah kuwii ugu naxtinta badnaa ee la kulmaan Soomaalida kunool Mareykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here