Home Wararka Maanta Sawiro Nin Soo galooti ah oo Sharci ku helay Wiil uu badbaadiyay...

Sawiro Nin Soo galooti ah oo Sharci ku helay Wiil uu badbaadiyay dartii..

0

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu qasriga Madaxtooyada Faransiiska ee Elysee Palace ku qaabilay nin soo galooti afrikan ah oo bad baadiyay nolosha Wiil 4-sano jir ah.

Mamoudou Gassama oo ah 22 jir kasoo tahriibay dalka Mali ayaa bad baadiyay Wiil yar oo ka laad laaday biyaanada afaraad dabaq dheer, waxa uuna wiilkan oo si geesinimo leh dabaqa u fuulay uu bad baadiyay wiilka 4-sano jirka ahaa.

Muuqaal laga duubay sida geesinimada leh uu Wiilkan Afrikan ah u bad baadiyay Wiilka yar ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada iyo Warbaahinta, waxaana wiilka soo galootiga ah Madaxtooyada Faransiiska ku casuumay Madaxweyne Macron.

Emmanuel Macron ayaa Qasriga Madaxtooyada kusoo dhaweeyay Mamoudou Gassama , waxa uuna Madaxweynaha kala sheekeestay sida ay ugu suurto gashay in dabaqa fuulo uuna bad baadiyo wiilka yar.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa uga mahad celiyay Gassama Geesinimada uu muujiyay iyo sida uu u bad baadiyay wiilkan yar, waxa uuna siiyay Shahaado sharaf geesinimo iyo sidoo kale sharciga dalka Faransiiska.

Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Farnsiiska u balan qaaday wiilkan tahriibka kusoo galay dalka Faransiiska in si deg deg ah loo siin doono shaqo uu ku farxo kuna maareeyo noloshiisa.

Mamoudou Gassama ayaa gudaha Faransiiska looga aqoonsaday nin Halyey ah, waxa uuna ninkan si lama filaan ah ku noqday nin caan ah oo si weyn looga hadal hayo Warbaahinta iyo Baraha Bulshada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here