Home Wararka Maanta Sanadkan gudihiisa 100 toogasho oo ka dhacday Caasimada Stockholm

Sanadkan gudihiisa 100 toogasho oo ka dhacday Caasimada Stockholm

0

Sanadkan gudihiisa, 15 qof ayaa u dhintay toogasho loogu geestay magaalada Stockholm, halka 37 kalena uu dhaawac kasoo gaaray toogashadii loo geestay.

Sahamin ay sameeyeen booliska Sweden, oo uu daabacay wargayska Aftonbladet ayaa tilmaamaysa in 676 qof inay ka tirsanyihiin kooxaha gaangis ah kuwaasi oo ku nool xaafadaha Stockholm sanadka 2020.

Ilaa bartamihii bishii Sebtember ee sannadkan, waxaa caasimadda ka dhacay ku dhowaad 100 toogasho waxaana ku dhintay dhalinyaro ka tirsan Kooxaha Gangiska ah.

Tirada toogashada ayaa korortay Sanadkan marka loo eego sanadkii hore ee  2018 iyo 2019 oo la diiwaangaliyay 70 toogasho.

Sanadihii 2016 iyo 2017, ilaa 90 toogasho ayaa ka dhacday Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here