Home Wararka Maanta Sanad Kale ayay xirnaanayaan Albaabada Hore ee Busaska laga raaco

Sanad Kale ayay xirnaanayaan Albaabada Hore ee Busaska laga raaco

0
Photo: TT

Laga soo bilaabo Maarso, albaabada
hore ee basaska ayaa la xiray. Waxayna sii socon doontaa mudo sanad kale ah.

Sharcigu waa inuu ka ilaaliyaa qofka baska kaxeeya inuu ku dhaco fayraska loo
yaqaan ‘corona virus’.

– Waxaan aragnay in darawallo badan oo basaska ah uu ku dhacay fayrasku. Waxay la kulmaan dad badan, ayay tiri Ulrika Scholander.

Ulrika Scholander Waxay ka shaqeysaa Hay’adda bay’adda shaqada ee Iswiidhan, oo iyadu qaadatay go’aanka ku saabsan albaabada in la xiro.

shirkadaha basaska waxay luminayaan lacag aad u badan sharciga dartii . Ma jiro mashiin hubiya tikidhada ama kaararka marka baska gadaal laga raaco Tani waxay ka dhigan tahay in dad badani ay baska raaci karaan iyaga oo aan bixin wax lacag ah hadda.

Shirkadaha basaska ayaa si wada jir ah u
waayi doona 7.5 bilyan karoon ka hor dhamaadka sanadka. Sidaas waxaa yiri
dowladaha hoose iyo gobollada Iswiidhan , SKR.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here