Home News in English Safaf Dhaadheer oo loogu jiro Garoonka Arland ee Sweden, Wadooyinka Qaar oo...

Safaf Dhaadheer oo loogu jiro Garoonka Arland ee Sweden, Wadooyinka Qaar oo la xiray

0
. Christine Olsson / TT

Booliiska dalka Sweden ayaa saaka mar kale xiray wadada aada Terminal -ka 5-aad ee magaalada Arlanda, kadib markii ay soo buux dhaafiyeen dad safar ah.

Shalay oo Sabti ahayd waxaa la xiray wadada hormarta labo jeer oo kala ah subax iyo galab. Sidoo kale intii lagu jiray galabtii, tareenka Arlanda Express wuxuu si ku meel gaar ah u joojiyay adeegyadii uu u hayay Terminal 5.

Booliiska ayaa filaya in ay dhaceyso fooda lamid ah tii shalay sida uu sheegay afhayeenka saxaafadda ee booliiska Ola Osterling.

“Arlanda waxaa jooga dad badan oo safar ah, waxaana qiimaynaynaa inay la mid noqon doonto sidii shalay,” ayuu yidhi

Dhibaatada ugu badan ayaa ah in Xaga safarka ee garoonka uu Ciriiri ka jiro dadka qaarkood ayaana soo gaaray halkaasi ka 8 saac ka hor safarkooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here