Home Wararka Caalamka Saddex Dhalinyaro oo Somali ah oo Maanta lagu aasay Magaalada Falköping ee...

Saddex Dhalinyaro oo Somali ah oo Maanta lagu aasay Magaalada Falköping ee Dalka Sweden

0
Foto: Ahmed

Allaha u Naxariisto waxaa magaalada Falköping ee Dalka Sweden maanta lagu aasay dhalinyaro Somali ah kuwaasi oo dhawaan ku dhintay Shil ay ku galeen wadada 184 ee u dhaxeysa Falköping iyo Skara.

Shilka Dhalinyarad ayaa yimid xili dhalinyaradan ay kasoo socdeen Goob shaqo iyagoo ku jeeday gurigooda waxana ay ku dhaceen gaari nuuca Xamuulka iyadoo isla goobta ay ku dhinteen Saddexda dhalinyaro iyo Labo Qof oo kale oo ajaanib ahaa.

Dhalinyarada ayaa da’dooda u dhaxeysa 20 ilaa 45 shano jir waxana dilkooda aad ugu naxay Somalida ku nool Dalka Sweden gaar ahaan dadka Deegaanka ee Falköping.

Sida booliska uu sheegay Gaariga ay saarnaayeen dhalinyarada ayaa lahaa qaladka kadib markii uu galay wadada kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here