Home News in English Sabuni ” Xaafadaha Dadka danyarta Waan in aysan sii jirin 2030 iyo...

Sabuni ” Xaafadaha Dadka danyarta Waan in aysan sii jirin 2030 iyo wixii ka danbeeya”

0

Waxaa maalintii Axadda magaaladda Västerås ku soo idalaaday shirweynaha qaran ee xisbiga Liberal-ka. Khudbad ay shirka ka jeedisay hoggaamiyaha xisbiga Liberl-ka , Nyamko Sabuni ayaa waxay ku sheegtay in dadka kireystayaasha ah ee qaata lacagta kaalmada ama ceyrta in aan loo oggolaan in ay degaan xaafaddaha saboolka ee ajaaniibtu u badan yihiin.

Qorshahan  ayaa ka mid ah hindise loogu magac daray sare u soo qaadida xaafadaha danyarta.

– Waa in loo istaagaa in lala diro kooxaha dambiyadda isku bahaysta, booliska anshaxa iyo hoggaamiyayaasha qabiilka kuwaasi oo halis ku ah mabaa’diida dimoqraadiyadda.

Wax baan ka qaban doonaa  dhibaatooyinkaasi, waana hagaajin doonnaa xaaladda, ayay tiri Sabuni.

Nyamko Sabuni ayaa khudbadeeda ku sheegtay hadaf  uu doonayo xisbiga oo ah in dalka Sweden laga waayo xaafaddaha danyarta ee ajaaniibtu u badan tahay sannadka 2030.

Waxayna sheegtay dhowr arrimood oo lagu gaarayo sidaasi, waxaana ka mid ah goob deegaan oo nabad gelyo ah.

Xisbiga Liberalka ayaa soo jeediyay in degmooyinka iyo shirkaddaha iska leh guryaha la kireysto, aaney oggolaan wakhti kooban iyo wakhti dheer intaba in laga kireeyo dadka ceyrta qaata guryaha qaar ama xaafadaha qaarkood.

Si looga hartago, ciriiriga tiradda dadka ee guryaha ku wada nool, ayuu xisbiga Liberalka waxaa kale oo uu doonayaa  in la helo sharci lagu tirakoobayo dadka ku nool xaafadaha danyarta ee ajaanibka u badan yihiin ee dalka si loo oggaado tiraddda dhabta ah ee dadka ku nool xaafadahaasi iyo in la joojiyo addreesyada beenta ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here