Home News in English Ruushka oo Ukraine ku eedeeyay weerarro lagu qaaday bakhaarrada shidaalka ee Dalkeeda

Ruushka oo Ukraine ku eedeeyay weerarro lagu qaaday bakhaarrada shidaalka ee Dalkeeda

0

Bakhaar shidaal oo ku yaalla magaalada Belgorod oo 40 KM dhanka waqooyi ka xigta xudduudda Ukraine ayaa waxaa dab qabadsiiyay labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ruushka.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Belgorod, Vyacheslav Gladkov, laba qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, oo dhacay subaxnimadii Jimcaha maanta, sida uu sheegay BBC .

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dawladda Ruushka ee Tass , labadoodu waxay ahaayeen shaqaale shidaal, xaaladdooduna maaha mid halis gelinaysa noloshooda.

Ukraine ma aysan xaqiijin eedeymaha ah in ciidamada Ukraine ay ka dambeeyeen weerarka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here