Home Wararka Caalamka Ruushka oo u hanjabay warbaahinta Mareykanka ee Dalkeeda Ku Sugan

Ruushka oo u hanjabay warbaahinta Mareykanka ee Dalkeeda Ku Sugan

0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ku hanjabtay inay la laaban doonto aqoonsiga saxafiyiinta Mareykanka ee ku sugan gudaha dalkaas, haddii Mareykanka uu sidaas oo kale ku sameeyo saxafiyiinta Ruushka.

Isniintii, wakiilada hay’adaha warbaahinta Mareykanka ee ku sugan Moscow ayaa looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, halkaas oo afhayeenka wasaaradda Maria Zakharova ay gaarsiisay digniinta.

Telefishinka qaranka Ruushka ee RT ayaa waxaa mamnuucay shirkadaha Maraykanka ee Cable iyo Satellite-ka, waxaana YouTube ay xayirtay kanaalo kale oo badan oo Ruush ah, oo ay ku jiraan kuwa baahiya shirarka jaraa’id ee toddobaadlaha ah ee Zakharova.

Sida laga soo xigtay Zakharova, Maraykanku wuxuu sidoo kale u diiday fiisaha weriyeyaasha Ruushka ama fiisaha kordhinta, qaarkoodna waxay ku qasbanaadeen in su’aalo dheer lagu sameeyo garoomada diyaaradaha ee Maraykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here