Home Wararka Caalamka Ruushka oo sheegay in dagaalyahano Islaami ah ay ku jiraan Dagaalka Nagorno-Karabakh

Ruushka oo sheegay in dagaalyahano Islaami ah ay ku jiraan Dagaalka Nagorno-Karabakh

0

Madaxa sirdoonka shisheeye ee Ruushka ayaa ka digey khilaafka sii ballaaranaya oo u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia oo ku saabsan degaanka Nagorno-Karabakh ay ku soo qulqulayaan kumanaan Islaamiyiin xagjir ah oo khatar ku ah Moscow.

Sergei Naryshkin, oo ah madaxa Sirdoonka Shisheeye ee SVR ee Ruushka ayaa sheegay in iska hor imaadkan oo qarxay 27 september uu soo jiitay dad uu ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal iyo argagixiso ka soo jeeda Bariga Dhexe.

Naryshkin wuxuu si gaar ah u soocay xubnaha ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Hayat Tahrir al-Sham, oo ah koox si firfircoon uga hawlgasha Suuriya oo hore loo oran jiray Jabhadda Nusra, iyo sidoo kale Firqat al-Hamza, Qaybta Sultan Murad, iyo kooxaha xagjirka ah ee aan la magacaabin.

“Waxaan ka hadlaynaa boqolaal iyo xitaa kumanaan xagjiriin ah oo rajeynaya inay lacag ka helaan dagaalka cusub ee Karabakh,” Naryshkin ayaa ku yiri hadal lasoo dhigay shabakada SVR.

“Kama walaaci karno in Koonfurta Caucasus ay awood u leedahay inay noqoto barxad cusub oo lagu soo bandhigo ururada argagixisada caalamiga ah halkaasoo xagjiriinta ay uga sii gudbi karaan gobolada deriska la ah Azerbaijan iyo Armenia, oo ay ku jiraan Ruushka”

Dagaalka ka socda aaga, ay leedahay Azerbaijan marka loo eego sharciga caalamiga ah laakiin ay xukumaan qowmiyadaha Armenia, ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo in isku dhac balaaran uu ka dhasho, taasoo soo jiidaneysa Turkiga, oo muujisay midnimada Azerbaijan, iyo Ruushka,  heshiis difaac. la leh Armenia.

Somaliska Austria

Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here