Home News in English Ruushka oo mamnuucay dhoofinta badarka badan ee Yurub

Ruushka oo mamnuucay dhoofinta badarka badan ee Yurub

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Ruushka ayaa mamnuucay dhoofinta sarreenka, galley, ee loo diro Midowga Dhaqaalaha Eurasia (EU) ilaa 31ka Ogosto.

Ujeedada ayaa ah in la sugo cunto ku filan suuqa Ruushka, Wasaaradda Maaliyadda ee Ruushka ayaa sheegtay Khamiistii sida laga soo xigtay The Guardian .

Ruushka ayaa sidoo kale mamnuucaya dhoofinta sokorta ee loo dhoofiyo wadamada saddexaad ilaa 31ka Ogosto, laakiin waxaa suurtagal u noqon doona wadamada Midowga Yurub qaar in aan laga hakin,  sida wasaaraddu sheegtay .

Ruushka ayaa lagu soo rogay Cunaqabateyn adag oo dhinac walbo ah waxana uu dhankiisa bilaabay inuu mamnuuco waxyaabaha Muhiimka ah.

Dagaalka Ruushka ee Ukraine ayaa wali socda mana jirto waan waan ilaa hada ay sameeyeen Labada Dhinac.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here