Home Wararka Caalamka Ruushka oo Hakiyay Heshiiska Nukliyeerka ee Dalka Mareykanka

Ruushka oo Hakiyay Heshiiska Nukliyeerka ee Dalka Mareykanka

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Ruushka ayaa joojinaya ka qayb galka heshiiska hub ka dhigista nukliyeerka ee New Start, laakiin kama baxayo, ayuu ku dhawaaqay madaxweyne Vladimir Putin.

Wadahadallada u dhexeeya Moscow iyo Washington ee ku saabsan dib u cusboonaysiinta heshiiska cusub ee hub ka dhigista ayaa markii hore la rabay inay dhacaan bishii November ee sannadkii hore, laakiin waa la joojiyay daqiiqaddii ugu dambeysay.

Putin waxa uu khudbadiisa ku daray in haddii Maraykanku uu sameeyo tijaabooyinka hubka Nukliyeerka ay Ruushka ku qasbanaan doonaan inay sidaas oo kale sameeyaan. Tijaabadii ugu dambaysay ee hubka Nukliyeerka ee Maraykanku waxa ay dhacday 1992-kii.

Heshiiskii New Start ee 2010-kii waxa uu dhigayaa, in labada dal ay hubkooda ku jiraan ugu badnaan 1,550 madaxyada Nukliyeerka ah, waxaana uu xaddidayaa inta jeer ee gantaalaha isaga kala goosha qaaradaha iyo meelaha laga rido.

Muddo dhowr sano ah, Ruushku wuxuu sheegay maya kormeerayaal ka socda Maraykanka si ay u hubiyaan in heshiiska la fulinayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here