Home News in English Ruushka oo dhoolatus Milateri ka bilaabay meel u dhow xadka Norway

Ruushka oo dhoolatus Milateri ka bilaabay meel u dhow xadka Norway

0
Photo/Leonid Scheglov/BelTA/Handout via REUTERS
Ciidamada badda ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ka badan 20 markab oo ka mid ah maraakiibta Waqooyiga Ruushka ay bilaabeen dhoolatus ciidan oo ay ku sameynayaan badda Barents, taas oo ay dhul badeedkeeda la wadaagto Norway.

Dhoolatuskan Ruushka oo socon doona inta u dhexeysa 16-ka ilaa 19-ka bishan February, ayaa ah dhoolatuskii ugu ballaarnaa ee laga sameeyo badda Barents tan iyo dagaalkii qaboobaa. Dhoolatuska waxaa raaca xeerarka caalamiga ah xitaa haddii ay galaan qaybo badan oo ka mid ah aagga dhaqaalaha Norway. 

“Tani waa bandhigga ciidamada Ruushka oo dhacaya waqti isku mid ah oo Ruushku uu ku sugan yahay xadka Ukraine,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Norway Odd Roger Inoxen .

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa xaqiijiyay in dhoolatuska militari ee Ruushka uu ku bilowdo una dhamaado sidii loogu talagalay, isagoo carabka ku adkeeyay in dhoolatusyada ay Moscow ka sameyneyso dhulkeeda sida qorshuhu yahay ay ku bilowdaan, ku socdaan, kuna dhamaadaan sida uu qorshuhu yahay, isagoo carabka ku adkeeyay in tani ay ka mid tahay kuwa socda. Dhoolatusyada galbeedka dalka ama Bariga Fog ee Ruushka.

Ku dhawaaqista billowga dhaq-dhaqaaqyada cusub ayaa ku soo beegantay iyadoo ay bilowdeen dib u soo celinta qaar ka mid ah ciidammadii ku sugnaa meel u dhow xudduudaha Ukraine oo ay hore u joogeen, kaddib markii uu dhammaaday dhoolatuskooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here