Home Wararka Maanta Rinkeby Hoyga Maaweelada dhalinyarada oo dib loo furayo mudo kadib.

Rinkeby Hoyga Maaweelada dhalinyarada oo dib loo furayo mudo kadib.

0

Kadib muddo saddex bilood ah oo uu xirnaa ayaa dib loo bilaabey howlihii fiidadka lagu qaban jirey daarta dhallinyarada ee xaafadda Rinkeby.

Howlihii goobtaa ka socon jirey ayaa albaabada loo laabey muddo iminka saddex bilood ey ka soo wareegeen bishii nofeembar, middaasina ugu wacnayd iyada oo ey goobta soo galeen rag wejiyada soo qarsadey.

Afar nin oo wejiyada soo qarsaday ayaa si lama filaan ah ku soo galey daarta, dabadeedna isaga baxey markii ey cabbaar wax ka eegeegeyeen.

Maadaama ey shaqaaluhu dareemeen ammaan darro waxaa la go’aamiyey in hakad la geliyo howlihii goobta ka socdey, hase yeeshee iminka oo saddex bilood ey ka soo wareegtay mar kale albaabbada loo furey.

Tusaale ahaan waxaa la xirey albaabbadii, waxaa sidoo kale la wareejiyey goob ka md ah goobihii laga soo geli jirey, iftiinkii oo laga hagaajiyey iyo shaqaalaha oo la siiyey aqoon kororsi la xiriira habkii ey u dhaqmi lahaayeen haddii xaalado adagi la soo gudboonaadaan, sida ay laanta P4 Stockholm ka soo xigatay idaacadda SVT laanteeda wararka ee Stockholm.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here