Home Wararka Caalamka Raysal wasaaraha Ingiriiska oo su’aalo laga waydiin doono maanta Xuutiyiinta Yemen

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo su’aalo laga waydiin doono maanta Xuutiyiinta Yemen

0

Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa galinka dambe ee maanta la hadli doona xubnaha baarlamaanka markii ugu horeysay tan iyo markii UK ay ku biirtay duqeymaha Mareykanku ku bartilmaameedsanayo Xuutiyiinta Yemen.

Rishi Sunak ayaa sharraxaad ka bixi doona sababta dawladdiisu ay qayb uga tahay howgallada ka dhanka ah Xuutiyiinta.Xildhibaanada ayaa su’aalo weydiin doona raysal wasaaraha.

Raysal Wasaaraha Uk ayaa oggolaaday tallaabada uu dalkiisu qayb uga noqonayo beegsiga Xuutiyiinta isagoon kala tashan baarlamaanka, taasoo keentay in qaar ka mid ah mucaaradka ay dhaleeceeyaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here