Home News in English Rasmus Paludan oo ogolaansho ka Helay Västerås si uu ugu qabto Dibad-bax...

Rasmus Paludan oo ogolaansho ka Helay Västerås si uu ugu qabto Dibad-bax Maalinta,,

0
Foto: Fredrik Persson/TT

Rasmus Paludan oo ka tirsan garabka midig ayaa booliska ka helay ogolaansho uu ku qabanayo waxa uu ugu yeeray “ isu soo bax doorasho” oo ka dhici doona Västerås Jimcaha soo socda. Sida laga soo xigtay SVT.

SVT oo soo xigatay ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in booliisku ay ogolaadeen codsigii Paludan ee ahaa in dadwaynuhu isugu yimaadaan goobta hoose ee magaalada.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan halka lagu qabanayo shirka. Baluddan ayaa codsatay in isu soo baxa doorashada lagu qabto gobolka.

Baluddan ayaa hore u gudbiyay codsi ah in shir lagu qabto magaalada Porås dhamaadkii bishii hore, balse boolisku way ku gacan saydheen codsigiisa, taasoo maxkamadda maamulku u aragtay inuu yahay go’aan khaldan, iyada oo la eegayo in duruufaha boolisku u cuskaday aanay ahayn kuwo ku filan. sababaha looga hortagayo kulanka sida uu qabo sharciga Sweden.

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo Baludan ayaa isu beddelay rabshado ka dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Sweden intii lagu jiray ciidda Easter-ka, kaddib markii uu gobollo badan ku gubay qaybo ka mid ah qur’aanka kariimka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here