Home Wararka Caalamka Rasmus Paludan oo ku dhawaaqay inuu hakiyay Socdaalkiisa Sweden isagoo hada ku...

Rasmus Paludan oo ku dhawaaqay inuu hakiyay Socdaalkiisa Sweden isagoo hada ku sugan Denmark

0

siyaasiga midigta fog ee asal ahaan kasoo jeeda Dalka Denmarka ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyay safarkiisa Sweden uu ku booqanayay Gobolada Dalka.

isagoo ku sugan Caasimada Denmark ee Copenhegan ayuu sheegay in la hakiyay Socdaalka uu ku tagali lahaa Norrköping iyo Linköping.

Sababta uu ku hakiyay Safarkiisa ayuu ku sheegay kadib rabashado halkaasi ka dhacay isagoo intaasi ku celiyay in todobaad kadib uu dib u soo laabanayo.

Booliska Sweden ayaa dhankiisa u sheegay Talafashinka Norway ee TV2 in hada aysan jirin wax ogolaansho uu heesto Rasmus Paludan oo ku aadan inuu qabto dibad baxyo.

Rasmus Paludan ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay waxa uu rabashado ka sameeyay dalka Sweden isagoo gubay quraan kariimka waxana taasi ka dhashay rabshado xoogan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here