Home Wararka Caalamka Booliska Sweden oo ka hadlay Sababta aysan u joojin karin Gubista Quraanka...

Booliska Sweden oo ka hadlay Sababta aysan u joojin karin Gubista Quraanka ee Rasmus Paludan

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Afhayeenka booliiska Carina Skagerlind ayaa sheegtay in qiimeyn sharci oo hore loo sameeyay lagu soo gabagabeeyay in gubista kutubta diiniga aysan ahayn kicin koox ama dad, iyadoo xustay in tani ay ku jiraan dhammaan kutubta diinta.

Skogerlind ayaa wareysi ku xaqiijiyay in booliisku ay waajib ku tahay inay xaqiijiyaan in sharciyada aasaasiga ah (dastuurka) la fuliyo, iyada oo intaa ku dartay in sharciyada aasaasiga ah ay ilaalinayaan xaqa ra’yiga.

Magaalooyin badan oo dalka Sweden ah ayaa waxaa ka dhacay dibad baxyo looga soo horjeeday ururka xagjirka ah ee Danish Rasmus Paludan, Banaan-bax uu ku gubayay qur’aanka kariimka ah. Mudaaharaadyadu waxay isu beddeleen rabshado ka dhan ah booliiska iyo hantida dadweynaha.

Skogerlind ayaa u sheegtay Kombs in booliisku ay ku shaqeeyaan si waafaqsan sharciga, mana go’aansan karaan cidda loo ogolaanayo inay ra’yigooda dhiibtaan, iyadoo raacisay, “Haddii qof u maleynayo in sharciyadan ay xun yihiin ama khaldan yihiin, waa inuu la hadlaa kuwa sharciga sameeya. waxayna soo jeedinayaan in wax laga bedelo. Xagga rabshadaha, mar walba waa khalad, booliskuna marnaba uma dulqaadan doono.”

Su’aalo badan oo ku saabsan doorka booliiska, ayaa lagu soo bandhigay dhacdooyinkii maalmihii ugu dambeeyay ee

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here