Home Wararka Maanta Rasaas lagu furay Masaajid ku yaalla Magaalada Malmö..

Rasaas lagu furay Masaajid ku yaalla Magaalada Malmö..

0

Xalay saqdii dhex ayaa rasaas lagu furay masaajid ku yaalla Nawaaxiga Xaalafa Jägerroom ee Malmö weerarka ayaana dhacay xiliga lagu guda jiray dabaal daga sanadka Cusub oo la maqlayay Dhawaqa bulaleerka.

Booliska Malmö ayaa saaka Aroortii helay digniin muujineysa in weerar loo geestay masaajidkaasi oo qofna ku dhaawacmin waxana baaritaanka hore lagu xaqiijiyay in ay aheyd rasaas lagu furay masaajidka dad badan oo goobta ku sugnaa ayaa maqlay dhawaqa rasaastaasi.

Afayeenka booliska Malmö Anna Göransson ayaa warbaahinta TT u sheegtay in ay bilaabeen baaritaan la xiriir waxa uu salka ku hayo weerarkaasi sida in ay ka danbeeyaan cunsuriyiinta iyo in kale.

Anna Göransson ayaa intaasi ku dartay hadii qofka weerarka geesta uu qorsheeyay in rasaaska uu ku dhex qariyay xiliga dabaal daga sanadka cusub oo baaruud badan la ridayay.

Inkastoo aanan la heenin qofka dhibaatada geestay hadana marar badan ayaa weerar loo geestay masaajidyo ka dhisan wadanka Sweden oo qaarkood la gubay.

Lasoco wixii ku soo kordha

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here