Home Wararka Caalamka Rakaabka Gaadiidka oo lagu booriyay in aysan Taleefoonka ku Hadlin Sababo la...

Rakaabka Gaadiidka oo lagu booriyay in aysan Taleefoonka ku Hadlin Sababo la xiriira Corona

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT

Akadeemiyada Qaranka ee Caafimaadka ee Faransiiska ayaa ku boorisay rakaabka gaadiidka dadweynaha inay iska ilaaliyaan inay isla hadlaan ama ay ku wada hadlaan taleefanka si loo yareeyo halista faafitaanka fayraska Corona.

“Isticmaalka qasabka ah ee Marada Afka loo adeegsado gaadiidka dadweynaha, waa inay la socotaa taxaddar aad u fudud, oo ah in laga fogaado hadalka iyo wicitaannada taleefannada,” ayaa lagu yiri warbixinta akadeemiyadda.

Patrick Pershey oo xubin ka ah Akadeemiyada ayaa Sabtidii ka sheegay BFMTV in haddii ay jiri karaan seddex qof oo keliya gaariga tareenka dhulka hoostiisa mara, wax dhib ah ma jiri doonaan, laakiin haddii qofku uu u dhexeeyo kaliya laba sentimitir, waxaa macno yeelan doonta inuusan hadlin.

Akaadamiyada ayaa sheegtay in dharka ama waji-gashiga guriga lagu sameeyo ay wax ku ool u yihiin faafitaanka fayraska Corona ilaa iyo inta si habboon loo dhigayo, inta badanna infekshannada waxay dhacaan marka dadku iska siibaan maaskarada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here