Home Wararka Maanta Raisal’wasaarihii hore ee Italy Silvio Berlusconi oo isbitaalka la dhigay

Raisal’wasaarihii hore ee Italy Silvio Berlusconi oo isbitaalka la dhigay

0
Ra’iisul wasaarihii hore ee Talyaaniga ayaa la dhigay isbitaal si xaaladiisa looga taxadaro sida laga soo xigtay xisbigiisa midig-dhexe ee Forza Italia. Saacado ka hor intaan la dhigin, wuxuu u sheegay taageerayaashiisa in xaaladiisa feecantahay

Silvio Berlusconi, ra’iisul wasaarihii hore ee Talyaaniga ahna milkiilihi hore ee AC Milan, ayaa la dhigay isbitaal jimcihii kadib markii laga helay cudurka cusub ee coronavirus.

Dhakhtarkiisa Alberto Zangrillo ayaa saxaafada u sheegay in 83 jirkan hore u ahaa raiisel wasaare uusan ku jirin xaalad adag isla markana uu neefsanayo

“Waxan ku rajo weynahay in xaaladiisa noqoto mid wanaagsan maalmaha soo socda,” ayuu yiri Zangrillo, isagoo intaa ku daray in go’aanka lagu dhigay isbitaalka uu ku saleysnaa taariikhdiisa caafimaad iyo da’da.

Photo/AFP

Horaantii jimcihii, xisbiga Berlusconi ee Italia Forza ayaa sheegay in isbitaalka loo dhigay taxadar ahaan.

Xigasho/DW

Tafaftiray/Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here