Home Wararka Maanta Raisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo go’an ka qaatay dib u soo...

Raisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo go’an ka qaatay dib u soo labashada Muwadiniinta Sweden ee IS ku biiray.

0

Raisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa ka hadlay go’anka iyo codsiga Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ee ku aadan in magangalyo la siiyo muwaadiniinta ka tagay Wadamada yurub ee ku biiray kooxda IS si ay halkaasi uga dagaalamaan kuwaasi oo ku jiraan muwaadiniin kasoo jeeda Dalka Sweden.

Stefan Löfven ayaa sheegay in dalkiisa uu si cad uga soo horjeedo kooxaha ka dhinac dagaalamay kooxda Is isla markana doonaya in ay ku soo laabtaan Sweden.

” Maya anaga arinkan waxan ka joognaa meel adag ” ayuu yiri Stefan Löfven.

ku dhawaad 800 boqol oo ka tirsan kooxda IS ayaa lagu qabtay dhulka kurdistan waxana arintaasi codsi kasoo saaray Donald trump oo sheegay in dadkaasi lagu wareejiyo wadama ay ka tirsanyihiin si halkaasi loogu maxkamadeeyo Wadamada Faransa iyo Norway ayaa bilaabay arintaasi halka UK iyo Denmark ay kasoo horjeesteen Dalka Sweden ayaana ku biiray wadamada kasoo horjeeda dadkaasi.

Somaliska Götenborg

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here