Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Toogasho loogu geestay Stockholm Labo Caruur...

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Toogasho loogu geestay Stockholm Labo Caruur ah

0
FOTO: JONAS EKSTRÖMER/TT

iyadoo Caasimada Stockholm gaar ahaan dhanka Koonfureed ee magaalada lagu toogtay labo caruur ah isla markana uu dhaawac soo gaaray waxaa arintaasi ka hadlay xisbiyada wadanka.

Raisal Wasaaraha Sweden ayaa ka mid ahaa dadka ka hadlay isagoo bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal uu ku dhaleeceeyay dhibaatadan.

Waxa uu sheegay in uu aad ugu carooday falka lagu toogtay labada Caruur ah marka uu maqlay isagoo intaasi ku daray in caruurta ay Xaq u leeyihiin in ay ku ciyaaraan banaanka.

waxa uu intaasi ku daray in dhibaato tahay in dadka laga cabsiiyo nawaaxiga eey ku noolyihiin.

inkastoo dowlada ay dhaleeceesay falkan hadana ma jiro tilaabo muuqato oo wax looga qabanayo arintan iyadoo ay sii badanayaan dilalka ka dhacaya wadanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here