Home News in English Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Hadalka Xisbiga SD ugu gafay Diinta...

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Hadalka Xisbiga SD ugu gafay Diinta Islaamka

0

Raiisel wasaaraha Stefan Löfven ayaa sheegay in xoghayaha xisbiga SD ee islaamka ka sheegay shalay uusan ka yaabinin isaga. “Kani waa SD waana tan aragtidiisa dadka iyo tixgalin la’aantiisa sinaanta aadanaha,” ayuu raaciyay. Taas bedelkeed, waxaan layaabay hadalka Ulf Christchon (Gudoomiyaha Xisbiga Konserfatifka).

Löfven ayaa si jees jees ah u qoslay markii uu ka hadlayey hadalka sarkaalka SD ee ku saabsan diinta Islaamka, isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in xisbiga Liberalku u midoobo dimuqraadiyiinta Iswiidhan, waxa uu yiri

“Liberalku waa xisbi madaxbanaan waxayna qaataan go’aanka ku habboon, laakiin aniga shaqsiyan waxaan diiradda saarayaa la’aanta qiyamka guud ee ka dhexeeya labada xisbi, Dimuqraadiyiinta Iswiidhan ma ixtiraamaan xorriyadda dadka iyo waxay aaminsan yihiin, umana sinna aadanaha.

Xughayaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Sweden (SD), Ricard Jomshof, ayaa shalay islaamka ku tilaamay sida diin “karaahiyada ah” intii uu ka qeyb qaadanayay barnaamijka dood ku saabsan television Swedish  taas oo ka xanaajisay siyaasiyiinta Swedish ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here