Home News in English Raisal Wasaaraha Somaliya oo Raadiyaha Sweden uga Waramay Doorashada Dhaceysa iyo Xaalada...

Raisal Wasaaraha Somaliya oo Raadiyaha Sweden uga Waramay Doorashada Dhaceysa iyo Xaalada guud

0

Maalinta bari ayaa lagu wadaa in doorashada Dalka Somaliya ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Doorashada ka hor Raisal Wasaaraha Somaliya Rooble ayaa la hadlay warbaahinta Dowlada Sweden qeybta Raadiyaha isagoo sharaxay in Xaalada ay tahay mid adag oo doorashada u dhaceyso qaab nabad ah.

Rooble oo isaga khudhiisa ah Muwaadin heesta dhalashada dalka Sweden ayaa ka hadlay arimo badan ee laga soo maray doorashada gaar ahaan dhanka doorashada oo mudo sanad ah dib u dhacdo.

Xaalada dhanka Somaliya ee mustaqbalka ayuu sheegay in ay tahay mid rajo feecan leh marka la eego sida xaalada ay hada tahay.

Raadiyaha Sweden ayaa warbixin dheer ka diyaariyay sida Xaalada Dalka tahay iyadoo kumanaan Qaxooti ah ay ku suganyihiin Caalamka gaar ahaan Dalka Kenya.

Madaxweynaha Cusub ee la doorto maalinta bari ayaa xilkaasi heynaya mudo 4 sano ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here