Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Norway oo iscasileysa Hadii kalsoonida laga ceshto Wasiirada Cadaalada..

Raisal Wasaaraha Norway oo iscasileysa Hadii kalsoonida laga ceshto Wasiirada Cadaalada..

0

Siyaasada Dalka Norway ayaa wali waxaa ka taagan muran ka dhashay sawirkii wasiirka cadaalada ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga kaasi oo dood dhaliyay.

Xisbiyada Norway ayaana badankooda isku raacay in mooshin laga gudbiyo wasiirada cadaalada taasi oo maalinta bari la filayo in barlamaanka la mariyo.

Raisal wasaaraha Norway Elna Soberg ayaa wacad ku martay in ay xilka iska casileyso hadii wasiirada cadaalada lagala noqdo xilkeeda.

Guud ahaan warbaahinta gudaha ee leeska maqlo iyo joornalka VG ayaa kuwa warmaya in Soberg ay xiriir la sameesay xisbiga kaliya ee ka haray in uu ku biiro mooshinka kaasi oo hadii uu aqbalo ay dhici karto in xilka laga qaado Sylvi Listhuag.

Xisbigan oo lagu magacaabo KRF ayaana wali taageerin mooshinka waxana jira cadaadis lagu saarayo in uu uusan ku biiran qorshaha socda inkastoo maalinta bari oo talaado ah lagu kala bixidoono xaruunta barlamaanka.

Somaliska Norway

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here