Ku dhawaaqista doorasho cusub ayaa timid xilli ay shir jaraa’id ku qabatay banaanka hoyga ra’iisul wasaaraha ee Marienborg galabnimadii Arbacada.
Ololaha doorashada 27 maalmood ayaa ah mid aad u dheer marka loo eego xaaladda deenishka: 30kii sano ee u dambeeyay, ololaha doorashada 2019 oo keliya ayau socotay muddo dheer, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Ritzau.
– Waxaa Yurub ka socda dagaal iyo hubanti la’aan dhaqaale. Qiimaha ayaa kor u kacaya wax kasta oo aan u baahanahay. Hawsha muhiimka ah hadda waa in Danmark si nabad ah uga gudubto xiisadda, ayay tirdhi Frederiksen.
Waa siyaasad amni, siyaasad tamarta iyo qalalaasaha dhaqaalaha, laakiin waxaan ognahay inaan u maarayn doono, sidii aan uga soo gudubnay masiibada corona, ayay sii raacisay