Home Wararka Caalamka Qaxootiga Carabta oo loo diiday in laga Kireeyo Guryaha Mid kamid Shirkadaha...

Qaxootiga Carabta oo loo diiday in laga Kireeyo Guryaha Mid kamid Shirkadaha Malmö

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT

Warbixin maanta la daabacay ayaa daaha ka qaaday in mulkiilaha guryaha ee Rosengord ee Malmö uu si fagaare ah u dooranayo kiraystayaasha iyadoo loo eegayo qowmiyadaha ay ka soo jeedaan, wuxuuna diiday inuu si gaar ah uga kireeyo Carabta.

Dadka Carabta ee Bariga Dhexe ka yimid ayuu aad kaga soo horjeedaa inuu ka kireeyo guryaha Sababo Dhoor ah oo Shirkada ogtahay.

Wariye ka tirsan Sedsvenskan ayaa wacay mulkiilaha, isaga oo iska dhigaya in uu raadinayo guri uu kireeyo, waxa uuna isla markiiba waydiiyay halka ay ka timid kadib markii uu maqlay lahjadeeda. 

Wuxuu u sheegay inuu doonayo inuu iska ilaaliyo kiraystayaasha Bariga Dhexe, isaga oo raaciyay, “Waxay halkan ugu noolyihiin sidii doofaarro oo kale.”

Dhismayaashu waa saddex dhismo dhaadheer oo ku yaal Rosengord.

Haweeney ku nool xaafaddaas, oo codsatay inaan magaceeda la shaacin, ayaa sheegtay in mulkiilaha guriga uu “isku dayayo inuu dad gaar ah ka kireeyo gaar ahaan Dadka Swidhishka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here