Ra’iisul wasaaraha Sweden, Stefan Löfven, ayaa 12:30 u gudbiyay istiqaalada xilka afhayeenka baarlamaanka. Sidaas waxaa ku sheegay baarlamaanka warsaxaafadeed .
64 sano-jirkan ka tirsan Socialdemokraterna, oo ra’iisul wasaare soo ahaa tan iyo 2014-kii, ahaana guddoomiyaha xisbiga Socialdemokraterna ku dhawaad 10 sano, waxaa xilka kala wareegi doonta wasiirka maaliyadda, Magdalena Andersson.
Andersson ayaa todobaadkii hore loo doortay gudoomiyaha cusub ee xisbiga Sooshal dimuqraadiga.
Löfven ayaa istiqaaladiisa u gudbiyaya afhayeenka baarlamaanka Sweden . Löfven ayaa markaas sii ahaan doona ku simaha ra’iisul wasaaraha ilaa uu guddoomiyuhu soo jeedinayo ra’iisul wasaare cusub, kaasoo ay tahay in baarlamaanka uu ansixiyo.
Wararka kale ee Maanta
AD