Home Wararka Caalamka Rabshado ka bilowday Taliyaaniga oo ka dhashay Xayiraadaha Cusub iyadoo 24 saac...

Rabshado ka bilowday Taliyaaniga oo ka dhashay Xayiraadaha Cusub iyadoo 24 saac la diiwan galiyay 22,000 kun oo kiis

0
Photo ANDREAS SOLARO / AFP

Gudaha Talyaaniga, kudhowaad 22,000 kiisas cusub oo corona ah ayaa ladiwaan galiyay 24kii saac ee lasoo dhaafay. Tani waa tiradii ugu badnayd tan iyo markii uu dillaacay jiilaalkii hore. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Taliyaaniga, 221 qof ayaa ku dhintay covid-19 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaana habeenadii u dambeeyay banaanbaxyo looga soo horjeedo xayiraadaha adag ee lagula dagaallamayo cudurka faafa ee corona ay socdaan.

Sawirada TV-yada ee Turin iyo Milano labadaba, mudaharaadayaasha careysan ayaa booliska ku tuuraya dhagxaan  booliska ayaana  ku jawaabaya sunta dadka ka ilmaysiisa Dukaammada ayaa la burburiyey  natiijada ka soo baxday ayaa noqotay in 40 qof oo ka tirsan dadka dhigayay banaanbaxa la xiro.

Waxay ku bilowdeen mudaaharaadyada qaab nabdoon oo looga soo horjeedo xiritaanka makhaayadaha, baararka iyo makhaayadaha laga bilaabo lixda fiidnimo, taas oo ka dhaqan gashay guud ahaan Talyaaniga xalay iyadoo la isku dayay in la joojiyo faafitaanka cudurka. madama aad ugu kordhay inta lagu guda jiro bisha Oktoobar gudaha Talyaaniga.

Gobol ahaan, roondooyinka habeenkii ayaa sidoo kale la soo saaray. Meelo badan oo dalka ka mid ah, ayaa shalay waxaa isugu soo baxay kumanaan qof oo milkiileyaal maqaaxiyo ah, taksiilayaal iyo milkiileyaal baararka si ay u muujiyaan niyad jabkooda Qaar badan baa dhaqaalo xumo soo wajahdaa markay ilohoodii dakhli xireen.

Toddobaadkan dhammaadkiisa sidoo kale rabshado ayaa ka dhacay Rome iyo Naples halkaas oo mudaharaadyadii nabadeed ay ka sii socdeen maanta.

somaliska Rome

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here