4.3 milyan oo qoys oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Iswiidhan ayaa noqday qoysaskii ugu horreeyay ee qaata kaalmada korontada ee la filayo dhammaadka Febraayo Halka qaarkood ay taageero heli doonaan bisha Maarso.
“diyaargarawgu waxa uu ku socdaa sidii qorshuhu ahaa,” ayuu yiri Peter Haglind, oo ah sarkaalka tignoolajiyada macluumaadka ee sanduuqa caymiska, isaga oo tixraacaya baaxadda hawsha ay dawladdu u xilsaartay sanduuqa dhamaadkii sannadkii hore.
Dowlada ayaa dhawaan shaacisay caawinta kaalmo dhaqaale oo loogu tala galay Qoysaska ay ku adagtahay bixinta korontada.
Waxay qaadataa waqti dheer in la helo macluumaadka ku saabsan cidda xaqa u leh taageerada iyo cadadka, ka dibna la hubiyo in la bixiyay.
“Hawsha waxa ka mid ah in lala xidhiidho 134 shirkadood oo isku xidha laydhka ee degmooyinka 3 iyo 4 (koonfur iyo badhtamaha dalka), ururinta xogta 4.3 milyan qoys, iyo xisaabinta cadadka kabka,” Hagglind ayaa sharaxay. Sida laga soo xigtay TT