Home Wararka Caalamka Qofkii ugu horeeyay oo ku sugan UK oo qaatay Talaalka Coronavirus

Qofkii ugu horeeyay oo ku sugan UK oo qaatay Talaalka Coronavirus

0

Margaret Kenan oo ah Haweenay 90 sano jir ah oo ka soo jeeda Enniskillen, Waqooyiga Ireland ayaa noqotay qofkii ugu horeeyey ee talaalkan qaatay.

Haweeneydan oo todobaad kaddib u dabaal-dagaysa dhalashadeedii 91-aad ayaa sheegtay inay tahay hadiyaddii ugu wanaagsanayd ee dhalashadeeda ay hesho.

“Waxaan dareemayaa inaan aad u nasiib badanahay inaan noqdo qofkii ugu horeeyay ee qaata talaalka looga hortagaayo cudurka Covid-19, waa hadiyaddii ugu wanaagsanayd ee dhalashayda, ugu dambayntii waxaan wakhti la qaadan karaa qoyskayga iyo saaxiibaday.” ayey tiri Keenan.

Talaalka ayaa lagu bilaabay dadka ay da’dooda ka weyntahay 80 sano iyo shaqaalaha Caafimaadka, waxaana ka dib la siin doona dadka kale, iyadoo Mashruucan ujeedkiisu yahay in la badbaadiyo dadka ay khatarta ugu badan soo wajihi karto.

Haweeneydan ayaa qeyb ka ah Qorshe dowlada ay ku dooneyso in dad badan ay ku sameeso talaalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here