Home Wararka Maanta Qof Walbo oo Safar ku tagaya Norway oo laga Baarayo Corona Hadii...

Qof Walbo oo Safar ku tagaya Norway oo laga Baarayo Corona Hadii la Talaalay Xitaa 24 Saac Gudaheed

0
Photo: Ole Berg-Rusten / NTB

Dowlada Norway ayaa soo bandhigaysa shuruudo adag oo lagu tijaabinayo xuduudaha dalka. Laga bilaabo saqda dhexe, qof kasta oo Norway yimaada waa in laga baaro Corona 24 saac gudahood.

Laga bilaabo saqda dhexe qof kasta oo Norway yimaada waxaa ku waajib ah inuu is baaro 24 saac gudahooda markuu wadanka yimaado.

Tani waxay khusaysaa kuwa la tallaalay iyo kuwa aan la tallaalin labadaba, Sida wasiirka caafimaadka Ingvild Kjerkol ku sheegay shir-jaraa’id khamiistii.

Dadka safarka ah waxay iskubaari karaan goob ​​tijaabo ah oo ku taal isgoysyada xuduudaha, goobta imtixaanada dadweynaha, ama mid u gooni ah.

Haddii natiijadu tahay mid qofka laga helay Corona, socotada waxaa looga baahan yahay inuu sameeyo baaritaanka kale ee PCR sida ugu dhaqsaha badan uguna dambayn 24 saacadood gudahood.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here