Home News in English Qof Walbo oo la siinayo 75 Euro oo Dheeri ah Bil kasta...

Qof Walbo oo la siinayo 75 Euro oo Dheeri ah Bil kasta Magaalada Kassel ee Dalka Germalka

0

Golaha deegaanka Magaalada Kassel ee gobolka Hessen ayaa waxay go’aamiyeen in qof walboo degan magaaladaasi lacag 75€ la siiyo, taasoo lacagta Energy-ga la dhaho, sababtuna waa sicir bararka tamarta sida Gaaska iyo Korontada ku yimid.

Lacagtaas ma ahan mid dadka la isaga soo dirayo, qofkii dalbada oo keliya ayaa helaya, xataa caruurta yaryar.

Tusaale qoyskii 4 qof ka kooban oo ilmo ay xataa ku jiraan waa 300€.

Bisha Oktoobar ee sanadkaan illaa iyo Maarso 2023 inta u dhexeyso ayaana la dalban karayaa.

Halka laga dalbanayo iyo qaabka loo dalbanayo maamulka magaalada ayagaa soo sheegi doona, hadda arrinta go’aan ahaan ayay u gaareen oo keliya.

Dadka hadda xilligaan Kassel deganna tiro ahaan waa 205 kun oo qof, sida Joornaalka magaalada lagu sheegay.

Intaas markii laga gudbo, waddankaan waa Federaal, Dowladda dhexe, tan maamulka Gobolka, Magaalooyinka iyo Degmooyinka mid walba mas’uuliyad ayaa saaran, ayaguna waxay isku dayaan inay waajibkooda gutaan.

Taas ayaa keeneyso inay Magaalo dhahdo shacabkayga qof walba intaas ayaan siinayaa.

W/Q Ahmed Kadiye

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here